Wednesday 28 May 2008

XUSIDDA GEESIGA

Ummad waliba taariikh ayey leedahay, taasoo ka sheekeysa isbedellada ay sameyso iyo heerarka ay soo marto, intabana waxaa sameeya shaqsiyaad ka mid ah ummadaas.
Dadkaas sameeya isbedellada waxaa taariikhdooda xusa faca ka dambeeya oo geliya midba baalka uu kaga aadan yahay.
Ummada soomaaliyeed waxa ay leedahay geesiyaal ka soo qeyb galay heerarkii ay soo martay haddii ay ahaan lahayd halgankii xorriyad-doonka ahaa, kobcinta dhaqanka iyo aqoonta iyo qeybo badanoo ka mid ah kaalimaha horumarineed ee ay bulsho leedahay.
Dhallinyarada maanta waxa ay dusha ka wada hayaan magacyada iyo wixii ay ku soo kordhiyeen bulsho weynta dunida shaqsiyaad aad u tira badan oo aan ku soo wada qaadanay dugsiyada waxbarasho, kuwaasoo in badan oo ka mid ah ay uun ahaayeen kuwa u soo halgamay dalalkii ay u dhasheen; Aristotal, Nabilyan, Shakisbir iyo qaar la mid ah. Sow lama oran karo waxaa weli ina haysta fikirkii gumeysiga ee ahaa in aan baranno magacyo muhiim u ah dalalkooda inagoo ka door bideyna kuweena.
Jiilasha cusub ee soomaaliyeed imisa ayaa garan karta kumoo ahaa xalane oo aan ahayn in lagu yaqaan dugsigii tababarka ciidanka, Yuusuf Kowneyn iyo Maxamuud Axmed Cali xilligoodii iyo kaalintii ay ka soo qaateen aqoonta, taariikhdii Cismaan Yuusuf Keenadiid ama Shire Jaamac, aabihii calanka soomaaliyeed Maxamed Cawaale Liibaan, Yaasiin Xaaji Cismaan iyo laba iyo tobankii dhallinyaro ee saaxiibadii ahaa ee ay wada aasaaseen xisbigii gobannimo doonka SYL oo aan taariikhda guud ee ururkooda ka sokow mid mid aanan u garaneyn qof waliba taariikh nololeedkiisa.
Xilligii dawladdii ugu dambeysay aysan weli burburin waxaa nasiib wanaag ah in wax laga qoray halgankii daraawiishta ee uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, muddo dhoweydna aqoonyahanno soomaaliyeed ayaa isku hawlay in ay wax ka qoraan madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan taariikh nololeedkiisii, sidaasi si la eg ayaa soomaalida wax qortaa waajib muqadas ah ay ku tahay in ay uruuriyaan qoraana taariikhda halgamayaasha soomaaliyeed oo aan halkan ku soo koobi karin.

Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoona.abtidon@gmail.com

Tuesday 27 May 2008

TAXANAHA WARYAA

-Soomaaliya oo tiro koob ah
-Nolosha
-Suugaanta
-Magacyada
-Waqtiga

Monday 26 May 2008

Ku soo dhawaada Abtidon's blog

Minanka minankaada waaye ha si martiyeynin